Maku dhibantahay inaad hesho traffic ama booqashooyin, oo ma raadinaysaa qaab aad kor ugu qaado traffic gaada si aad u hesho traffic ama views joogta ah maalinkasta.
Dhowr sano ka hor, waxaanu ku sugnayn xaalad taas la mid ah oo waxanu la dhibanayn helida booqdayaal ama traffic si aanu kor ugu qaadno wax soo saarka iyo tayada bandhigayaga.
Laakiin maanta, waxaan helnaa booqashooyin ka badan 250,000 bishii - taas oo ka timid Google oo keliya, marka laga tago meelaha kale.
Hadan sideen u samaynay?
Halkan waxa yaal 12 kimada tactics ka aan isku daynay ee aan tijaabinay si aan natiijadaas u gaadhno una horumarino koru kaca traffic ta website yadayada.
1:Wax ka Qor Maduucyada Ay Dadku raadinayaan
Way fiicantay inad wax ka qorto waxkasta oo ku xiisa galinaya - Industry topics ka u dambeeyay, wararka degdeg ah ama waxyaabo isla markaa dhacay - post yada noocan ah waxay leeyiin nolol gaaban oo dhowr daqiiqo kadib waxa laga yaaba in cidiba aqrisan waydo.
Waxa laga yaabaa inaad aragto kor u kac ku yimaadda traffic ta ama soo booqashada website kaaga wax yar ka dib Markad post soo galiso. Balse mar haddii xiisaha wararka, trend-ga, ama waxaas aad markaa soo galisay uu dhoco, taraafikada blog-kaaga ayaa yaraan doona.
2: Hubi in Website kaaga google laga helayo
Google waa Meesha ugu badan ee ay dadka wax ka raadiyaan Xili Kasta.
Hadii Post yada aad qorto aan laga helaynin google waxa aad lumisay boqolkiiba 80 traffic tii ugu muhiimsanayd in la helo.
Google waxay dadaalkeeda ugu wayn ku bixisa soo bandhiga xogta ugu muhiimsan marka uu qof wax ka raadiyo iyada oo kasoo aqriyaysa blogs kala duwan.
Articles ka sida ay u kala sareeyaan marka google wax laga raadinayo ayay google ugu kala muhiimsanyiin.
Markasta oo aad xaga sara ka gasho waa markasta oo ay badato booqashadaadu waana markasta oo google ay ku aaminto.
Sidoo kale waxad u baahantay waxoogay yar oo qibrada sida aad score kaas u jabiso.
3: Samee email List
Email Marketing waa adeeg aad u muhiim ah marka la joogo traffic keenida.
Waa adeeg aad u caan ahaa 10kii sano ee u dambeeyay badanaana wax isticmaala Bloggers ka iyo Websites ka wax iibiya.
Badanaa Website yada qaar waxa laga yaaba inad ku aragto box yar oo email iyo qoraal yar oo sida ku guulayso lacag ama hel ebook free ah ay ku qorantahay hoostana uu yaalo meel email lagalinayo iyo button yar oo hoose.
Lacala hadii aad xogta lagaa dalbaday gudbiso waxad arki doontaa fariimo kusoo dhacaya emailkaaga ama Gmail kaaga.
Hadaba email list waa aruurinta email lada dadka oo aad kadinna u diri doonto xogo suuq gayneed oo aad looga shaqeeyay si ay u yimaadaan Website kaaga oo ama ay wax u aqriyaan ama ay wax u gataan badanana xirfadan waxa loo isticmaala wax iibinta.
4:U samee internal link posts ka Muhiimka ah ee yaala website kaaga
Internal link Waa Xidhiidhka ka dhexeeya post yada aad blog gaaga soo galiso qaar kamida inad ku xusto Post yada dhexdooda si aad u badiso booqashada.
Tusaale ahaan waxay u dhawday adigoo guri cusub dhistay ama gatay kadibna marti ama cid kusoo booqtay doonaya inu tus tuso guriga oo kolba "tiraa halkana soo gal, halkana soo gal.,"
Tusaale:>
Sidoo kale aqri
5: Dhig Content gaaga reddit
Reddit Waa Social network platform aad u caan ah oo aad u isticmaali karto inaad ku promote garayso website kaaga ana blog kaaga.
Sidoo kale waxa jira platform ka yara duwan oo la yidhaa quora kaas oo aad u isticmaali karto inad ku horumariso helidada traffic kada website kaaga.
Reddit iyo quora waa laba adeeg oo aad u muhiim ah waxaanad kasban kartaa hadaad isticmaasho aqristayaal aad u fara badan, balse waxa loo baahanyay hab fikir tolmoon oo aad content gaaga dadka uga iibiso.
6: Joogtee Samaynta Content Cusub
Markasta Joogtayntu waa furaha guusha, Internet ka marka la joogo joogtayntu waa shayga ugu muhiimsan ay wajib tahay inad ku dhaqaaqdo.
Markasta oo aad joogtayso soo tabinta xog cusub waa markasta oo aad badiso helida aqristayaal badan.
Sameyso jadwal cayiman sida maalinle ama todaable kaasoo kaa caawinkara inad ku dhaqaaqdo samaynra ficilada aad rabto markaas oo kuu fududayn doona soo galinta post cusub.
7: Isticmaal Social Media ads
Social media ads waxan odhan karnaa waa maalgashuga ugu jaban ee aad samayn karto waqti xaadirkan.
Xayaysiis Dalbashada sida Facebook ads ama Google ads waa arin kale oo kuu suurta galinaysa inad hesho traffic taya leh oo jaban, kuwaas oo aad kharash ahaan lacagtii ka baxday 3 jibaar ilaa 4 jibaar aad kasoo celin karto hadii aad marto wadooyinka saxdaa.
balse kugulama talinayo arinkan hadii aad tahay mid ku cusub saaxada blogging ka ama ganacsiga online ka, ka hor intaadan samayn waxa loo baahanyay inad fahanto taxliilinta digital marketing ka ama suuq gaynta casriga ah.
8: Isticmaal Web push notifications
Web push notification waxa looga jeeda software web application ah kaasoo kaa caawinaya inad booqdayaasha ka hor keento codsi ka soo horboodaya marka kowaad ey soo galaan website kaaga kaas oo laba jawabood siinaya, mid diidmo ah iyo mid kale oo yeelma ah. Tusaale, qofka waxad ku odhanaysaa ma doonaysaa inad lacag hesho? Haduu haa doorto wuxu noqonaya subscriber oo posts ka Mustaqbalka ka wixii aad soo update garayso way u dhacayaan notification ahaan, balse hadii uu diido, waxba uma dhacayaan mardambena lama waydiinayo ilaa uu browser kale kasoo galo ama uu xogta browser ka tirtiro sida caches,cookies ka ama browser data-da.
9: Isticmaal Pinterest
Pinterest Waa Web application kale oo muhiim ah, waana mid ka mida aaladaha Internet ka ugu caansan.
Sidoo kale waa madal sawiro lasoo galiyo oo badanaa hadaad google wax ka raadiso ugu yaraab 10 sawir oo Pinterest ah baad ku arkaysaa.
Hadaba si aad Pinterest xogtaada ugu baahiso waxad u baahanaty inad samaystao account dhamaystiran sidoo kalena aad buuxiso xogaha links ka iyo description ka. Kadibna waxad soo galisaa sawiro sida thumbnails ka posts yadaada oo waxad ku xidhaa linkga postga.
Qofkasta oo hela sawirkaas waxa loosoo xawili doona dhanka blog gaaga waxanad saas ku heli doontaa traffic free ah.
10: Ku biir Facebook Groups ka
Waxa jira groups ay ku xidhanyiin kumaan ruux oo daafaha dunida kala jooga, kuwaas oo u gaar ah soo bandhiga website ka ama blog postska kuwaas oo kaa caawinya si aad u hesho views ama traffic dheeraad ah.
Raadi group fiican, kadibna soo dhig posts kaaga markad dhamaystirtoba.
11: Isticmaal share buttons
Share buttons waa Script kaa caawinaya inay dadku u share gareeyaan post yadaada si fudud iyaga oo u generate garaynaya link ga post ga isla markiiba qaab kolba platform ka aad ku share garaynayso.
Share buttons hadii aadan lahayd ama uusan blog gaagu lahayn waxay u muuqata inad dayacday fursad aad u wayn sidoo kalena aad jabisay tiir kamida wadooyinka kasbashada traffic-kada.