Asc, Maqaalkeenan waxan ku eegi doona qaabka $1000 ilaa kabadan aad ChatGPT ooga samayn karto Si maalinle ah adiga oo aan waqti badan bixinin.
Hadaba Weligaa Ma Is Weydiisay Sida Uu U Muuqdo Mustaqbalka Tignoolajiyadda, Gaar Ahaan Artificial Intelligence Ama Maskaxda Macmalka Ah, Waxaa Laga Yaabaa Inaad Maqashay ChatGPT Laakiin Aanad Garanayn Sida Ay U Shaqeyso? HAGAAG, Maqaalkeena Maanta, Waxaan Si Qoto Dheer Leh U Dul Istaagi Doonaa ChatGPT – Waxa Ay Tahay Iyo Sida Ay U Shaqeyso iyo waloba Qaabka lacag looga sameeyo.
Bishii La Soo Dhaafay Ee November ee sanadkii hore, Shirkadda Open AI Oo Ku Takhasusutay Artificial Intelligence Ama Maskaxda Macmalka Ah Ayaa Baahisay Isbeddelkii Ugu Dambeeyay Waxayna U Magac Dartay “Chat GPT“, Kaas Oo Ah Bot Ku Shaqeeya Artificial Intelligence, Si Dhakhso Lehna Uga Jawaaba Isticmaalayaasha Waydiimahooda Ama Dalabkooda.
In Kasta Oo Ay Jireen Aalado Kale Oo Wada-Shaykaysi Ah (Sida ChatBot9) Oo Ku Shaqeeya Artificial Intelligence Ama Maskaxda Macmalka Ah, HADANA, ChatGPT Wuxuu Leeyahay Awood Heer Sare Ah, Oo Ku Salaysan Xidhiidh Sax Ah, Oo U Eg Sida Aadanaha Oo Kale, Taasoo Keentay Inuu Ka Sare-Maro Aaladihii Kale Ee Dhiggiisa Ahaa, Heer Ay Dadka Qaar Ku Tiriyaan In Aan La Dhayalsan Karin Baahida Loo Qabo.
Waa Maxay ChatGPT
ChatGBT: Waa Aalad Wada-Shaykaysi Ah, Oo Shaqadeeda Ugu Weyn Ay Tahay, In Ay Ku Dayato Wada Sheekaysiga Aadanaha Ama Bini’aadamka Oo Kale.
ChatGPT Waxaa Soo Saartay Shirkad Laga Leeyahay Dalka Mareykanka Oo La Magac Baxday “OpenAI” Oo Ah Hay’ad Ku Takhasustay Cilmi Baarista Artificial Intelligence Ama Maskaxda Macmalka Ah Iyo Horumarinta Nidaamyada.
ChatGPT Wuxuu Isticmaalaha technology yada casrigaa wuxuuna Su’aalaha Ugu Jawaabaa Si Hal Abuur Leh isaga oo awood u leh inu kaaga jawaabo sual kasta oo ad waydiiso iyo luuqad kasta sidoo kalena ku siinaya macluumad kasta ood rabto, Wuxuuna Sidoo Kale Maqaalada U Qoraa Qaabkii Loo Rabay, Isagoo Adeegsanaya Kaydka Macluumaadka Ku Kaydsan Mareegayaasha.
ChatGPT Waxay Leedahay Astaamo U Muuqda Sida Kaftanka Iyo Kartida Uu Wax Ku Hagaajin Karo.
ChatGBT Waxaa Horey Loogu Tababaray In Ka Badan 300 Bilyan Oo Kelmadood.
ChatGPT Ma Laha Shakhsiyad U Gaar Ah.
ChatGPT Wuxuu Dhawor Maalmood Gudahood, Ku Gaaray 1 Milyan Oo Isticmaale.
Sidee ChatGPT U Shaqeeysa?
Guud Ahaan, ChatGPT Waxaa Loo Dejiyay Inay Noqoto Aalad Qiimo Leh Oo Loogu Talagalay Shirkadaha Raadinaya Inay Horumariyaan Adeegga Macaamiisha Iyo Hawlaha Kale Ee La Xiriira AI.
Intaa Waxaa Dheer, ChatGPT Waxay Ku Qalabaysan Tahay Awoodaha Habaynta Luqadda Dabiiciga Ah, Taasoo U Sahlaysa Inay Aqoonsato Oo Ay Tarjumto Su’aalaha, Codsiyada, Iyo Dardargelinta, Oo Ay Bixiso Jawaabo Ku Habboon. Tani Waxay Ka Dhigan Tahay Inay La Falgeli Karto Isticmaalayaasha Qaab Wada-Hadal Ah, Taasoo Kuu Ogolaaneysa Inaad U Soo Dirto Su’aalo Iyo Tilmaamo Si La Mid Ah Aadanaha.
ChatGPT Waxay Sidoo Kale Leedahay Karti Ay Wax Ku Barato Iyadoo Adeegsanaysa Is-Dhexgalkaada, Taas Oo Macnaheedu Yahay Inay Sii Kobcin Karto Wakhtiba Wakhtiga Ka Dinbeeya, Sababtoo Ah Aqoonteeda Waxay Ku Dhistaa Wada-Shaykaysigiina. Tani Waxay Ka Dhigeysaa Mid Ku Habboon In Loo Isticmaalo Qaabab Kala Duwan, Laga Bilaabo Adeegga Macaamiisha Ilaa Daryeelka Caafimaadka.
Sidee account looga sameystaa ChatGPT?
Si aad account ChatGPT uga furato, kaliya booqo website kooda chat.openai.com/ ama ku qor google ChatGPT, Markad soo gasho Shashada guud (dashboard)ka, Riix ama ku dhugo Login hadii aad account lagayd ama Signup hadii aad cusubtay.
Buuxi Xogta lagu waydiiyay, sidoo kale ogow waxad u baahanatay inad wadan somalia ka baxsan joogto hadii aad somalia joogto aqri ciwaanka kan ka hooseya.
Sidee ChatGPT Somalia loogu Isticmaala?
Hadii aad somalia ama gobolada bariga africa aad joogto, badanaa ChatGPT kama shaqeeyo waxaanad u baahantay vpn iyo lambar dibadaa si aad u isticmaasho ChatGPT.
Si aan taasi u dhicin qaybtan waxan idinku bari doona qaab ChatGPT loogu Isticmaalo somalia.
Hadaba si aad u isticmaasho ChatGPT adigoo jooga somalia, kaliya gal google oo ku qor poe ama booqo https://poe.com/ ku dhugo sadexda line ama xariiq ee yaryar ee geeska bidix saaran.
Ka dooro ChatGPT ga labada ka hoose madaama uu ka sare lacag yahay.
Waydii suaasha aad rabto ama waxad u baahanaty.
Sidee Lacag Looga Sameeya ChatGPT?
Ugu dambeyn hadaba sidee lacag looga sameeya ChatGPT?
Waxa jira wadooyin badan oo aad lacag uga sameyn karto ChatGPT adoo isticmaalaya waxyaaba kala duwan, balse waxan halkan ku xusi doonaa kuwa ugu macquulsan wadankeena ka shaqeynaya.
1:U Isticmaal qaab muuqaal sameyn ah.
U isticmaal ChatGPT qaab video creation ama content creation ah oo samee dakhli maalinle ah, hadaba sidee?
Si aad u samayso arintan, samayso page facebook, youtube ama tiktok.
Dhamaystir dhamaan xogta looga baahanyay sida sawirada logada iyo kuwa dambe iyo xogaha kale ee muhiim ka ah.
Booqo ChatGPT oo u sheeg inu ku diyaariyo wax ku saabsan mawduuca aad rabto inad muuqaal ka samayso sida meelaha somalia ugu quruxda badan.
Marka uu ku dhameeyo ee aad ku kalsoonaato xogta, Copy garayso oo ku save garayso note.
Kadib diyaarso sawiro ama muuqal ku haboon xogta uu kuu diyaariyay, soo qaad qoraalkii oo mar labaad ku qor google tts ama text to speech gali qoraalkoo tts software ka kadibna la dag codka oo isku dar muuqaalkii iyo codka kadibna soo gali page ka aad samaysatay ee social media yaha ahaa,
U samee ciwaan fiican sidoo kalena saar sawir thumbnail wanaagsan.
Share garee oo la wadaag dadyowga kale ilaa u ka qarxaayo sidaas kuwad ilaa dhamaadka.
2:U isticmaal ChatGPT Blogging
Waxad ChatGPT ka codsab kartaa inay kuu diyaariso maqaalo dhaadheer oo luuqad kaste ah kadibna waxad soo galin kartaa blogging kaaga oo waxad ku furan kartaa adsense kadibna lacag ayaad ka samayni kartaa.
3: Affiliate marketing
Waxad ChatGPT u isticmaali kartaa qaab Affiliate marketing ah adiga oo soo qaadanaya product kadibna ChatGPT ka dalbanaya inay u samayso description aad usoo jiidasho badan oo sababaya in la riixo ama la iibsado.
4:freelancing
Waxad ChatGPT sidoo kale u isticmaali kartaa qaab freelance ahaana adiga oo u istcmaalaya conteng Creation ahaan tusaale ahaan, waxad samaysan kartaa account fiver ah, kadibna waxad samaysan page ama profile, kadibna waxad samaysan gigs oo tusaale waxad odhan doonta waxan kuu qori doona 15+ post kadibna waxa laga yaaba inay maalinkii 100 qof kusoo codsato adna aad $40 ku gadaysay 40×100 waa $4000 maalinkii.
Gunaanad
Waad ku mahadsantay aqrinta postgan. Halkan waxan ku soo gudbiyaa waxyaabo ku saabsan Horumarinta dhaqaalaha inta karaankayga ah.
Fadlan hadaad wax suaalo qabto ha hilmaamin inaad comment ga hoose nagu waydiiso.
_____________________________________________
Raadin
Waa maxay ChatGPT?
SIdee ChatGPT lacag looga sameeya?
ChatGPT somalia
ChatGPT account
ChatGPT sidee account looga sameeya somalia
ChatGPT sidee somalia loogu isticmaala
ChatGPT lacag ka samee
ChatGPT siduu u shaqeeya
Make moneg using ChatGPT
ChatGPT make money
ChatGPT 2023
ChatGPT ethopia
ChatGPT djabouti
ChatGPT jigjiga
ChatGPT kenya
ChatGPT not working on your location
Waa maxay ChatGPT?
SIdee ChatGPT lacag looga sameeya?
ChatGPT somalia
ChatGPT account
ChatGPT sidee account looga sameeya somalia
ChatGPT sidee somalia loogu isticmaala
ChatGPT lacag ka samee
ChatGPT siduu u shaqeeya
Make moneg using ChatGPT
ChatGPT make money
ChatGPT 2023
ChatGPT ethopia
ChatGPT djabouti
ChatGPT jigjiga
ChatGPT kenya
ChatGPT not working on your location
Aad baad u mahadsanthy ustaad garaad biixi aad baan kuugu xeranahay lkn qormadaan aad bey iso jiidatey se, meel lagaala so xeriro maledahay si personal ahaan ma igu caawin kartaa Ne ustaad.
ReplyDeleteMahadsanid
Gggggg
ReplyDeleteAbdisalan
DeletePls video kaso samee
ReplyDeleteWuu fiicanyhy
ReplyDeletePoe website ad sheegtay sidad tidhi wan sameyey lkn sual marka waydiso uu didaya kulaha 2021 ba ugu danbaysay xog
ReplyDeleteThanks
ReplyDeleteAsc
ReplyDeleteAsc
ReplyDeleteAsc
ReplyDeleteaad iyo aad ayaad umahadsantahay zxp qormadan runtii aad ayaan ugu baahnaa maadaama oo aan si'aan u isticmaalo AI video creation aan meelo lacaga tegijiray oo codka iyo muuqaalkaba copyright lasocoto hada waxaan filayaa ka raysan doono waan kugu xidhnaan doonaa thank you again and again
ReplyDelete