Blogger Iyo WordPress Keeba Fiican

Hadaad rabto inad bilawdo blog, doorashada shirkada ugu fiican waa mid aad u muhiim ah, maadaama ay taasi saamayn doontaa sida blog-kaagu u shaqeeyn doono iyo miisaankiisa. Marka la eego Options ka hada banaan , Blogger iyo WordPress waa labada goobood ee ugu caansan blogging.



Blogger iyo WordPress waxay u ogolaadaan isticmaalayaasha inay abuuraan bloog iyaga oo isticmaalaya xulashooyin habayneed oo kala duwan. Si kastaba ha ahaatee, madal kastaa waxay leedahay faa'iidooyin iyo khasaare.

Maqaalkanina wuxuu eegi doonaa WordPress vs Blogger wuxuuna qiimeyn doonaa sifooyinkooda iyo kala duwanaanshahooda inagoo eegaynaynaa  various Categories, laga bilaabo fududaanta-isticmaalka (user-friendly) iyo wax-ka-beddelka ama hagaajinta(customizability) ilaa amniga (Security) Intaa waxaa dheer, waxaan ku dari doonaa miiska isbarbardhigga (comparison table) si uu kaaga caawiyo inaad go'aamiso goobta ugu wanaagsan ee wax ku qorida blog-ka ee labadan ah.





Waa Maxay Blogger?  

Blogger waa adeeg (service) martigeliye blog (blog hosting)  oo bilaash ah. Waxa uu caan ku yahay fududaan iyo saaxiibtinimada isticmaalaha (easy and user-friendly), taas oo ka dhigaysa mid ka caan ah kuwa bilawga ah agtooda.

Maadaama Google uu leeyahay Blogger, waxaad u baahan tahay oo kaliya koontada Google si aad u gasho bloggaaga. Horay waxa ku jira domain-hoosaad Blogspot bilaash ah, markaa ciwaanka balooggu waxa uu noqon doonaa www.yourname.blogspot.com.

Hal akoon ayaad ku abuuri kartaa ilaa 100 bloog oo kaydin kara kumanaan sawir iyo muuqaal ah. Ma jiraan wax xaddidaad ah oo ku saabsan inta qoraallada blog ee isticmaaluhu uu abuuri karo. Si kastaba ha ahaatee, tirada boggag taagan (pages) kama badan karaan 20. 

Tilmaamaha kale ee caanka ah ee madasha Blogger waxaa ka mid ah:
  • Isku dhafka aan kala go'a lahayn ee adeegyada Google sida Domains Google, Sawirada Google,  Google Affiliate Network, iyo Google Adwords.
  • Amniga, isku halaynta, iyo cusboonaysiinta joogtada ah ee Google.
  • Shahaada SSL Oo bilaash ah (free ssl certificate)
  • Habka maaraynta macluumaadka ee fudud oo dareen leh (CMS).
  • Helida Templates aad u farabadan oo kala nooc ah

Waa maxay WordPress?

WordPress waa mid ka mid ah aaladaha blogging ka  ee il furan ah (open source) ee ugu wanaagsan ee ay isticmaalaan 43%  shabakadaha dunidu.

Isticmaalayaashu waxay Wordpress ku dhex abuuri karaan degel kasta oo ay rabaan, oo ay ku jiraan blog, dukaanka khadka, degelka shakhsi ahaaneed (personal website) , iyo portfolio. Shirkado badan oo waaweyn, sida BBC America iyo Microsoft, ayaa mareegaha (websites) ganacsigooda u isticmaala WordPress.

Kahor intaadan rakibin(install) WordPress, isticmaalayaashu waa inay doortaan bixiyaha martigelinta shabakada ( web hosting provider)  iyo magac domain. Shirkado badan oo martigeliye bixiyayaal ah, oo ay ku jiraan Hostinger ayaa jira, sidoo kale waxay bixiyaan diiwaan gelinta bogga si loo dedejiyo dhismaha degelka.

Waa kuwan astaamo kale oo xusid mudan oo WordPress ah: 
  •  qalab daabacaad oo kala duwan, laga bilaabo maamulka warbaahinta ilaa jagooyinka la qorsheeyay.
  •  plugins ballaaran. 
  • Kumanaan themes (saan) bilaash ah iyo kuwo lacag ah ba. 
  • Madalku waxa uu taageeraa ilaa 70  luqadood
  •  Bulsho dhisan.


Blogger iyo WordPress Kala duwanaanshaha guud

Farqiga ugu weyn ee u dhexeeya Blogger iyo WordPress waa isticmaalka. Blogger inta badan waxaa loo isticmaalaa in lagu dhiso blog fudud oo shakhsi. Dhanka kale, WordPress ku wuxuu leeyahay sifooyin badan, taasoo ka dhigaysa mid aad ugu haboon oo loogu talagalay noocyada blogyada kala duwan.

Si aan kuu caawino go'aan ka gaarista meesha ugu habboon ee loogu talagalay bloggaaga, waxaan u abuurnay miis isbarbardhiggeed oo WordPress vs Blogger ah.

----Blogger----

Pros

  • waxad u billabi kartaa blog si fudud oo degdeg ah adoo isticmaalaya kaliya akoon Google ah
  • Martigelin bilaash ah iyo subdomain
  • Waa bilaash isticmaalkiisu
  • madal user-freindly ah barashadeeduna fuduay

Cons

  • Kaliya waxay bixisaa sifooyinka aasaasiga ah
  • Ikhtiyaarada habaynta oo xadidan
  • Xakamaynta xaddidan ee balooggaaga
  • waa inad iibsataa domain

----Wordpress----

Pros

  • Ikhtiyaarrada is-beddelka oo ballaaran
  • La qabsiga fudud ee adeegyada dhinac saddexaad

Cons

  • Waxay u baahan tahay xoogaa maalgelin lacag bilow ah
  • Si buuxda u maamul balooggaaga, oo ay ku jiraan dayactirkiisa iyo ammaankiisa


Blogger vs WordPress fududaanta isticmaalka

Dooro goob blogging ah oo leh wajahad ( interface ) wanagaagsan , gaar ahaan haddii aad tahay bilow. Tani waxay fududeyn doontaa process ka abuurista blog-ka, taasoo kuu ogolaneysa inaad si dhakhso ah u bilowdo samaynta posts cusub. 

Aynu is barbar dhigno WordPress vs Blogger xagga saaxiibtinimada isticmaale.

Blogger

Blogger waa sahlan tahay in la isticmaalo, habayntiisuna waxay qaadataa dhawr daqiiqo oo keliya. Ka dib markaad ku soo gasho akoon Google, waxaad heli doontaa hage degdeg ah oo lagu dejinayo boggaga Blogger.

Inta lagu jiro process ka hagaajinta, dooro cinwaanka blogga, adress ka Blogspot, magaca qoraaga, oo dooro mawduuc.

Soo gal dashboard-ka si aad u abuurto qoraal cusub oo blog ah, ama aad habaynta blogga samayso, dhinaca bidix. Waxa kale oo aad arki kartaa qoraalladaada la fasaxay iyo kuwa kaydsan.

WordPress

WordPress wuxuu u baahan yahay tillaabooyin badan habka dejinta. Kahor intaadan rakibin WordPress, isticmaaluhu waa inuu iibsadaa qorshaha martigelinta webka (web hosting plan) iyo magac domain. Nasiib wanaag, shirkado badan oo martigeliyaha internetka ayaa kuu oggolaanaya inaad si toos ah u rakibto WordPress, fududaynta habka qaabeynta. Halka kuwa kale ay kuu oggolaanayaan inaad iibsatid martigelinta WordPress oo si gaar ah loogu habeeyay CMS-yadda.

waxay qaadan kartaa wakhti in qof cusubi uu aqoon u yeesho dashboardka maamulka WordPress. Waxay bixisaa doorashooyin badan, laakiin qaar ka mid ah, taasi waxay la macno noqon kartaa qas badan. Qaar badan oo ka mid ah qalabka la heli karo ayaa sidoo kale u baahan plugins dheeraad ah.

Blogger vs WordPress xakamaynta iyo Lahaanshaha

Lahaansho buuxda iyo xakamaynta balooggu waxay u ogolaataa isticmaalayaasha inay wax ka bedel ku sameeyaan shabakadooda, oo ay ku jirto sida loo ilaaliyo goobta iyo goorta la xidhayo. Iyadoo tan maskaxda lagu hayo, aan is barbar dhigno WordPress vs Blogger xagga kantaroolka iyo lahaanshaha.

Blogger

Blogger waa goob wax lagu qoro oo lagu hayo serferada Google, si aadan si buuxda gacanta ugu hayn bloggaaga. Haddii Google u maleeyo inaad jebinayso xeerarkeeda, waxay xidhi kartaa balooggaaga ama waxay kaa saari kartaa gelitaankaaga digniin la'aan.

Waxaa intaa dheer, shaqada Blogger waa xaddidan tahay. Tani waxay kaa ilaalin kartaa inaad si madaxbanaan u wanaajiso waxqabadkaaga blogka oo aad ku darto astaamo gaar ah.

Taa baddalkeeda, Google ayaa daryeesha martigelinta degelkaaga iyo dayactirkeeda. Tani waxay noqon kartaa faa'iido sababtoo ah dadka isticmaala Blogger waxay diiradda saari karaan abuurista waxyaabo tayo sare leh iyagoon wax welwelka  ah ka qabin software ka iyo cusbooneysiinta amniga.

WordPress

Waxaad ku maareyn kartaa baloog is-martigeliyay (self-hosted) adiga oo isticmaalaya qorshaha martigelinta WordPress. Tani waxay ku siinaysaa xoriyad dheeraad ah oo ku saabsan blog-kaaga, laga bilaabo ku darista hawlqabad cusub ilaa meesha laga saaro waxyaabaha ku jira. Waxa kale oo aad xakamayn doontaa xogta aad kaydisay iyo macluumaadka aad la wadaagto cid kasta oo saddexaad.

Blogger vs WordPress Hagaajinta

Lahaanshaha ikhtiyaarka wax-ka-beddeliddu waa muhiim maxaa yeelay waxay kuu oggolaanaysaa inaad abuurto naqshad shakhsiyeed oo ku habboon baahiyahaaga. Waxa kale oo ay gacan ka geysataa soo jiidashada booqdayaasha iyo waxyaaba kale oo badan.

Intaa waxaa dheer, nashqadaha (themes) si fiican loo naqshadeeyay waxay kordhin karaan isticmaalka shabakadaada, kor u qaadida waxqabadkeeda iyo guud ahaan socodka. 

Nasiib wanaag, uma baahnid inaad dhisto naqshad bilaw ah (from scratch), maadaama Blogger iyo WordPress labaduba ay bixiyaan naqshado horay loo sii sameeyay. 

Blogger 

Blogger waxa uu bixiyaa laba ikhtiyaar oo lagu habayn karo baloogyada - tafatire muuqaal ah iyo qaybo HTML ah oo fudud. Tafatiraha muuqaalku waxa uu la socdaa qaybo drag-iyo-drop, laakiin waxa ay leedahay xulashooyin habayneed oo xadidan. Tusaale ahaan, waxa ay kaliya ku ogolanaysaa in aad wax ka beddesho walxaha ku jira qaab-dhismeedka, sida midabada, asalka boostada, iyo qoraalka.
 
Xulashada template sidoo kale way xaddidantay. Waxa jira 12 themes rasmi ah oo bilaash ah oo la dooran karo, badidood oo loogu talagalay blogyada gaarka ah. Habaynta horumarsan waa suurtogal kaliya haddii aad aqoon u leedahay HTML iyo CSS.

Iyadoo ay jiraan themes ama templates badan oo dhinac saddexaad ah, waxay qaadataa xoogaa dadaal ah in lagu rakibo Blogger. Waa inaad ku furto qaab-dhismeedka faylka XML tafatire qaraaleed (text editor)  oo aad copy intad tiraa ka gelisaa dhanka HTML ee Bloggerka. 

Intaa waxaa dheer, Blogger kaliya wuxuu bixiyaa hal tafatire nuxur oo fudud (simple content editor). Waxa jira bar dhinac (side bar) ah oo lagu kala saaro (categorize) summadaha boostada (post labels), dejinta jadwal daabacaad (publishing schedule). tilmaame meel khariidad ah, daminta faallooyinka, oo aad habaynayso permalinks. Sidoo kale Waxay taageertaa YouTube iyo Google Soo galinta sawirada iyo muqaladaba.

WordPress 

WordPress waxa uu bixiyaa options badan oo dhanka waxka bedelka ah (customization) si ay u bedelaan muuqaalka (appearance) website-ka. Waxaa jira 10,000 + WordPress themes ah oo u adeegta noocyada website-yada ee kala duwan. 

Ku rakibida (install) themes ka WordPress ee bilaashka ah ama iibka ah waa mid fudud. Qaar badan oo ka mid ah themeska WordPress ee bilaashka ah ee ugu fiican waa responsive, la isku halayn karo, oo la jaanqaadi kara plugins kala duwan. Adeegso wax kabadalaha ku dhex jira CSS si aad mawduucyada wax badan uga beddesho. 

Blogger vs WordPress keebaan doortaa

Guud ahaan, WordPress wuxuu bixiyaa faa'iidooyin badan oo ka badan Blogger. Iyada oo xulasho ballaaran, features badan , themes, iyo plugins aad helayso, waxaad abuuri kartaa baloog kasta oo aad rabto. 

WordPress si isku mid ah ayuu ugu habboon yahay kuwa bilowga ah ee doonaya inay ganacsi online ka sameeyaan iyo isticmaalayaasha horumarsan ee raba inay abuuraan degel adag. Dhanka kale, Blogger waa madal daabacaad toos ah oo bilaash ah Google. Waxay leedahay ikhtiyaaro xaddidan marka ay timaaddo habaynta, lahaanshaha, dabacsanaanta, iyo isdhexgalka qoloda saddexaad. Haddii aad rabto inaad si dhakhso ah u abuurto blog fudud, Blogger wuxuu noqon karaa doorasho wanaagsan. Marka ay timaado amniga iyo qiimaha, WordPress iyo Blogger waxay leeyihiin faa'iidooyin iyo khasaare u gaar ah. Tusaale ahaan, WordPress ayaa ku siinaysa mas'uuliyadda buuxda ee amniga mareegaha. Si kastaba ha ahaatee, waxaad ku yeelan kartaa ammaan ka wanaagsan WordPress haddii aad raacdo hababka ugu fiican. Had iyo jeer waxa jira ikhtiyaar aad uga haajirto Blogger una guurto WordPress iyo taa beddelkeeda haddii aad rabto inaad beddesho platformla.

Conclusion

WordPress iyo Blogger labaduba waxay leeyihiin faa'iidooyin iyo khasaare. Kahor intaadan dooran goobta blogging, kuwa raba inay wax ku qoraan bloggers waa inay qiimeeyaan xirfadahooda oo ay go'aansadaan goobta u fiican kiiskooda isticmaalka iyo qorshayaasha mustaqbalka. 

Waa tan soo koobid degdeg ah oo lagu falanqeeyay maqaalkan:
  • Fududeynta Isticmaalka – Isku mid
  • Controlka iyo Lahaanshaha – WordPress
  • Customization – WordPress
  • Marketing iyo SEO – WordPress
  • Security – isku mid
  • Taageerada macmiilka  –WordPress
  • Pricing – Blogger
Iskuksuoo duuboo, Blogger waa madal bloging fudud oo loogu talagalay dadka bilowgaa raba inay abuuraan baloog yar. Dhanka kale, WordPress wuxuu ku habboon yahay milkiilayaasha blog-yada raadinaya dabacsanaanta ugu badan, scalability, iyo lahaanshaha. Waxaan rajeyneynaa in maqaalkani uu kaa caawiyay inaad go'aansato goobta ugu fiican ee baahiyahaaga. Haddii aad hayso su'aalo dheeraad ah, noogu soo sheeg qaybta faallooyinka ee hoose.

6 Comments

  1. Bro si qaas eh ma kuula hadli karaa

    ReplyDelete
  2. pro man fahmin ee video raba

    ReplyDelete
  3. Ana ifahnsiya xagr ka bilaba ma website ayn samYsta marka hore

    ReplyDelete
Previous Post Next Post