Salaad Baa Idhaaftay Book Free PDF Dowload

Salaad baa i dhaaftay!!

Waagaynu dhallaanka ahayn, waxa dhaqan ahayd in ay dadka waaweyni inna faraan salaadaha. Amarkooga ayaynu duuduub ku qaadanjirnay, masaajidkana waa aynu tegijirnay; si aynu u soo tukanno. Waxa aynu ogaanjirnay in ay culus tahay salaaddu, farahana waa aynu ka qaadijirnay. 

Waxa aynu maqlijirnay wadaad ka hadlaya mudnaanta salaadda iyo balaayada ku habsanaysa qofka ka taga. Masaajidka ayaynu aadijirnay; si aynu u soo salaadno; waaba salaaddii oo haddana culus, kadibna ma aynaan tukanjirin. Waxa aynu ismoodsiinjirnay qofka inna faraya salaaddu in uu innaga dareen duwan yahay. Waxa aynu iska dhaadhicinjirnay qofka dhawra salaaduhu in uu ku hubaysan yahay hibo ilaahiya oo isaga u gaar ah. 

Muddo dheer ayaynu sugaynay hibadan ilaahiga ah, ilaa uu maalinba maalin innoo dhiibay innaga oo aan tukan; sababtuna waxa ay tahay weli ma aynaan maarayn asalka mushkiladda jirta oo ah, salaaddu maxaa ay ugu muuqataa mid culus? Maxay dadka qaarkood u ilaaliyaan salaadda, kuwo kalena uga tagaan? Waa mawduuca buuggani xambaarsanyahay!

Hadaba buugan ayaan si bilaash ah idiinku diyaarinay isagoo pdf ah, waxaanad kala dagi kartaa isla bogan hada.

Fadlan hoos ka eeg link ga dowload si aad ula dagto.

Dowload Book

Previous Post Next Post