12 Siyaabood Oo Traffic Badan Ku Heeli Karto 2023

12 Tallaabo oo aad ku Kordhin Karto Booqdayaasha Website-kaaga (2025)

Hordhac: Dhibaatada Helitaanka Booqdayaasha Joogtada ah

Maku dhibban tahay inaad hesho traffic (booqashooyin), oo ma raadinaysaa qaab aad kor ugu qaaddo si aad u hesho views joogto ah maalin kasta? Dhowr sano ka hor, waxaanu ku sugnayn xaalad taas la mid ah oo waxanu la dhibanayn helidda booqdayaal si aanu kor ugu qaadno wax soo saarkayaga.

Laakiin maanta, waxaan helnaa booqashooyin ka badan 250,000 bishii - taas oo ka timid Google oo keliya, marka laga tago meelaha kale. Haddaba, sideen u samaynay?

Halkan waxa yaal 12 xeeladood (tactics) oo aan tijaabinay si aan natiijadaas u gaadhno una horumarino kororka traffic-ga website-yadayada.

Xeeladaha Lagu Kordhiyo Booqdayaasha Website-ka

1. Wax ka Qor Mawduucyada Ay Dadku Raadinayaan

Way fiican tahay inaad wax ka qorto wax kasta oo ku xiisa gelinaya, laakiin qoraallada ku saabsan wararka degdegga ah ama waxyaabaha isla markaa dhacay waxay leeyihiin nolol gaaban. Waxaa laga yaabaa inaad aragto kor u kac ku yimaadda traffic-gaaga wax yar ka dib, laakiin marka xiisaha warkaasi dhaco, traffic-gaagu wuu yaraan doonaa.

Xalka? Wax ka qor mawduucyada weligood cagaarka ah (Evergreen Content) ee ay dadku si joogto ah u raadiyaan. Ilaa iyo inta maqaalkaagu Google ku jiro, waxaad si joogto ah u heli doontaa taraafiko dabiici ah.

2. Hubi in Website-kaaga Google Laga Helayo

Google waa meesha ugu badan ee ay dadku wax ka raadiyaan. Haddii qoraalladaada aan laga helin Google, waxaad luminaysaa boqolkiiba 80% traffic-gii ugu muhiimsanaa. Google waxay ku dadaashaa inay soo bandhigto xogta ugu muhiimsan, markasta oo aad sarrayso natiijooyinka raadinta, waa markasta oo ay booqashadaadu badanayso.

3. Samee Liiska Email-lada (Email List)

Email Marketing waa adeeg aad u muhiim ah oo traffic lagu keeno. Waa aruurinta email-lada dadka booqanaya website-kaaga, si aad hadhow ugu dirto qoraalladaada cusub ama adeegyadaada. Tani waxay dhalinaysaa booqdayaal daacad ah oo mar kasta ku soo noqnoqda.

4. U Samee Isku-xirka Gudaha (Internal Links)

Internal link waa xidhiidhka ka dhexeeya qoraalladaada kala duwan. Markaad qoraal cusub samaynayso, ku xus qoraalladaadii hore ee la xidhiidha. Tani waxay caawinaysaa in booqdaha uu sii joogo website-kaaga muddo dheer, waxayna kor u qaaddaa SEO-gaaga.

Tusaale ahaan, waxaad ku dari kartaa qeybta hoose ee qoraalka:
Sidoo kale akhri:
- Sidee Blogger Lacag Looga Sameeyaa 2025
- Blogger Iyo WordPress Keebaa Fiican

5. Ku Faafi Qoraalkaaga Reddit iyo Quora

Reddit iyo Quora waa baro bulsho oo aad u awood badan oo aad ku faafin karto qoraalkaaga. Waxaad ka heli kartaa akhristayaal aad u fara badan haddii aad si xikmad leh ula wadaagto nuxurkaaga, adigoo ka jawaabaya su'aalaha dadka ama ku biiraya doodaha la xidhiidha mawduucaaga.

6. Joogtee Samaynta Qoraallo Cusub

Joogtayntu waa furaha guusha. Markasta oo aad joogtayso soo gudbinta xog cusub, waa markasta oo aad helayso akhristayaal badan oo ku soo noqnoqda. Sameyso jadwal cayiman, sida maalinle ama toddobaadle, kaasoo kaa caawinaya inaad ilaaliso joogtaynta.

7. Isticmaal Xayeysiisyada Baraha Bulshada

Xayeysiisyada sida Facebook Ads ama Google Ads waa hab degdeg ah oo aad ku heli karto traffic tayo leh. Laakiin kugulama talinayo haddii aad ku cusub tahay, waayo waxay u baahan tahay fahamka suuq-geynta casriga ah (Digital Marketing) si aanad kharash badan u lumin.

8. Isticmaal Ogeysiisyada (Web Push Notifications)

Kani waa codsi u muuqanaya booqdaha marka ugu horreysa ee uu soo galo website-kaaga, kaasoo waydiinaya inuu jeclaan lahaa inuu helo ogeysiis marka aad qoraal cusub soo geliso. Haddii uu aqbalo, wuxuu noqonayaa qof mar kasta la ogeysiiyo, taasina waxay keenaysaa traffic joogto ah.

9. Isticmaal Pinterest

Pinterest waa madal sawirro lagu wadaago oo si weyn looga helo Google. Samee sawirro soo jiidasho leh (sida thumbnails) oo la xidhiidha qoraalladaada, kadibna ku xidh link-ga qoraalkaaga. Qof kasta oo hela sawirkaas wuxuu si toos ah u soo booqan karaa blog-gaaga.

10. Ku Biir Kooxaha Facebook (Facebook Groups)

Raadi kooxo Facebook ah oo ka hadla mawduucyada aad wax ka qorto. Markaad qoraal cusub samayso, la wadaag kooxahaas. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad hesho views iyo traffic dheeraad ah oo bilaash ah.

11. Isticmaal Badhamada Wadaagista (Share Buttons)

Hubi in website-kaagu leeyahay badhamo u sahlaya dadka inay qoraalkaaga si fudud ugu wadaagaan baraha bulshada sida Facebook, Twitter (X), iyo WhatsApp. Haddii aanay jirin, waxaad luminaysaa fursad weyn oo traffic lagu helo.

12. Ka Dhig Website-kaaga Mid la Jaanqaadaya Mobilka (Mobile-Friendly)

Boqolkiiba 80% dadka internet-ka isticmaala waxay ka soo galaan telefoonka. Haddii website-kaagu aanu si fiican uga shaqaynayn mobilka, dadku way ka baxayaan oo ma soo noqonayaan. Hubi in naqshadda website-kaagu tahay mid "responsive" ah oo la jaanqaadi karta shaashad kasta.

Gunaanad

Waxaan rajaynayaa in maqaalkani idinka caawin doono helidda traffic badan si aad u horumarisaan dhaqaalaha blogs-kiina. Haddii aad wax caawimaad ah u baahan tahay ama su'aal aad qabto, noogu reeb faallada (comment) hoose.

Previous Post Next Post